Soomaali

Dugsiyada hoose iyo dhexe ee Finland

Waxbarasho waajib ah

Waxbarashada waajibka ah ee Finland guud ahaan waxa ay ka bilaabataa da'da todobada sano waxa ayna dhamaataa marka cunugu uu dhameesto dhamaan koorasyada looga baahan yahay ee ku jira manhajka ama in uu iskuulka dhigto mudo toban sano ah. Dugsiyada Hoose iyo Sare waxa ay ka kooban yihiin sagaal fasal waxaana loogu tala galay in ay dhigtaan ardeyda da'doodu u dhaxeyso todobo illaa iyo lix iyo toban. Inta lagu guda jiro lixda fasal ee ugu horeysa ee dugsiga hoose, fasalada waxaa wax ka dhiga macalim ugu yaraan ama dhamaan ka mas'uul ah maadooyinka. Inta lagu guda jiro saddexda sano ee ugu dambeysa dugsiga sare ( fasalada 7-9) ardeyda waxaa wax u dhiga macalim ku takhasusay maado gaar ah. Si loo xaqiijiyo in ardeydu wax ku bartaan deegaan munaasab ah , siyaasada guud ayaa ah in ardayda  dhan ay siman yihiin xaqna u leeyihiin in ay helaan deegaan waxbarasho oo aamin ah. waxaa intaas sii dheer, waxbarashada waajibka ee Finland waa lacag la'aan. 

Wixii dheeraad ah oo ku saabsan habka dugsiyada Finishka halka riix.